Uncategorized

Wakiilka QM ee Soomaaliya oo Hargeysa Tagay

download

Wakiilka Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Michael Keating ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Wakiilka ayaa waxaa Hargeysa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland.

Michael Keating ayaa madaxtooyada Hargeysa kulamo kula leh madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo mas’uuliyiin kale.

Danjiraha ayaa madaxda Somaliland kala hadlaya arrimo la xiriira siyaasadda iyo horumarka deegaannada maamulka.

Waa booqashadii ugu horraysay ee Michael Keating uu ku tago Somaliland, tan iyo markii loo magacaabay xilka.