Uncategorized

Wakiilka Qaramada Midoobay Somaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti oo ka wada hadlay Doorashada 2016-ka Ee Soomaaliya

kating-640x427

Madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa dalka Jabuuti kula kulmay wakiilka cusub ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Michael Keating.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowlada Jabuuti ayaa lagu sheegay in kulanka labada masuul uu ahaa mid looga dooday doorashooyinka la filayo iney ka dhacaan Soomaaliya dhamaadka sanadkaan.

Islamaarkaana labada masuul ay isla garteen in dowlada Soomaaliya laga taageero qabsoomida doorashooyinka sanadkaan.

Sidoo kale waxaa looga hadlay kulanka u dhaxeeyay madaxweynaha Jabuuti iyo wakiilka QM ee Soomaaliya arimaha la xiriira amaanka, waxaana la sheegay in lagu qaabeeyay hab cusub oo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ay ku howlgalayaan.

Waxyaabaha kale ee kulanka looga hadlay ayaa lagu sheegay iney kamid tahay sidii dowlada Soomaaliya looga taageeri lahaa dhanka hayadaha dowlada, awoodaha howlgalka iyo qalabeynta ciidamada booliska iyo militariga Soomaaliya.

Isaga oo saxaafada la hadlayay Mr Keating wuxuu mahad celin u jeediyay dowlada jabuuti doorka ay ka ciyaartay howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya, waxaana Jabuuti ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011.