Uncategorized

Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Malintii Labaad Ku sugan Baladweyne Iyadoo Aysan Jirin Cid La kulantay

2016313635934690345388672HOL3

Iyadoo Maalintii Labaad uu ku sugan yahay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa”iyo wax garadka Gobolka ayaan wali kulmi iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeyso kulan la aanta wasiirkaiyo waxgaradka.

Cabdi Raxmaan Odawaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Magaalada Baledweyne u tagay sidii uu Odayaasha Gobolka uga dhaadhicin lahaa ka qeyb galka Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Majirto ilaa iminka kulan toos ah oo dhaxmaray wasiir odawaa iyo odayaasha dhaqanka Gobolka hiiraan iyo qeybaha Bulshada Gobolka.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa dadaal ugu jira sidii Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Waxgaradka Gobolka ay u kulmi lahaayeen si Odayaasha looga dhaadhiciyo ka qeyb galka Shirka Magaalada Jowhar ay Gogoshiisu taallo.

Dowladu waxaa ay wadaa dadaalo xogan oo ku adan sidii ay reer hiiraan uga qeyb galilahaayeen shirka Jowhar Balse Reer hiiraan ayaanan ku qancin qaabka wax lo wado taas oo sababtay in ay si kala fogadaan dowlada iyo Bulshada Reer Hiiraan ,Lamana oga sida uu xaalku ku danbeyn doono.