Uncategorized

“Sawirro” Musharax Abdiaziz Hassan Amalo Giyaajo Oo Beledweyne Qado Sharaf Ugu Sameeyay Salaadiinta Ka Qeybgashay Caana Shubka Ugaas Xasan

Mohamed-Abdullahi-Nuu

Musharaxa Madaxweynenimo ee Soomaaliya mudane Abdiaziz Hassan Amalo Giyaajo ayaa magaalada Beledweyne ee gobolka hiiraan qado sharaf ugu sameeyay salaadiinta iyo ugaasyada ka kala timid Somaliland, Puntland, Southwest, Galmudug iyo dhamaan Somalia oo idil kuwaa oo u tagay halkaa ka qeybgalka caleema saarka ama caana shubka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Musharax Abdiaziz Hassan Amalo ayaa salaadiintaasi kala hadlay sida muhiim ay u tahay in dib loo hanto qaranimada Soomaaliya islamarkaana loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo horumarinta dalka iyo dadka.

Dhinaca kale Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya u Taagan qabashada xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya xili dhawaan la filayo in dowladani ay bedesho dowlad cusub oo dhowaan la soo dhiso ayaa waxa uu booqday xarun lagu xanaaneeyo agoonta oo Beledweyne ku taala ayuu wuxuu u kuurgalay xaalada ay ku noolyihiin caruurtaasi, isagoo ugu deejay joodariyaal ay ku jiiftaan caruurtaasi agoonta ah.

ugu dambeyntii musharax Abdiaziz Hassan Amalo Giyaajo ayaa ka qeyb galay caleema saarka Ugaaska 20-aad oo ay yeelato beesha xawaadle, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ee lagu caleema saaray maanta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan, iyadoo musharaxa uu u duceeyay ugaaska.

beledweyne

Siyaasiga Abdiaziz Hassan Amalo Giyaajo ayaa ah aqoonyahan waqti badan dalka iyo dibadiisa ka soo shaqeeyay, waana ganacsade maalgalin badan ku sameeyay dalka iyo guud ahaan dibadda.

12208811_1063894300308906_6892981978940787552_n 13411839_1041492882610019_529610902870925237_o13700186_1230902720274729_6432511900739977487_n (1) 13710060_1230902723608062_6465276457520327632_n (1)

Mohamed-Abdullahi-Nuu beledweyne

13710060_1230902723608062_6465276457520327632_n 13728958_1575104989182369_685936607346225148_n 13817155_1231193406912327_1408347040_n (1)  13817155_1231193406912327_1408347040_n

13819718_1231193453578989_1871691266_n (1) 13819718_1231193453578989_1871691266_n 13820678_1231193216912346_149767052_n (1)13820678_1231193216912346_149767052_n (2)13820678_1231193216912346_149767052_n13823346_1231193120245689_1478770666_n (1) 13823346_1231193120245689_1478770666_n 13823507_1231193316912336_688679993_n