Uncategorized

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa maanta Qaaday Tallaabooyin looga Hortagayo Waxyaabaha Maanka dooriya. Sida Calaq iyo Xashiishadda.

15

Talaabada arrinta looga hortagayo ayuu  Maamulka Gobalka ku baabiyay Shabakad ka ganacsata Xashiishka iyo Calaqa iyagoo Gacanta ku Dhigay Inkabadan 50 Fuusto oo Calaq ah iyo Xashiish kadib howlgal ay ka sameeyeen Ciidamada Amaanka Gobalka Banaadir Degmada Hodan.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo Gaaray Goobta Maandooriyaha lagu farsameynayay ayaa Yiri “Gobalka Banaadir isagoo kaashanaya Xogta Bulshada Degmada wuxuu gacanta ku dhigay Bakhaaro iyo dadkii madaxda u ahaa walxahaasi Maanka Dooriya, Cidna kama aqbali doono in gobalka Banaadir ay si Xor ah uga ganacsato waxyabaha amaanka Qatarta ku ah sharciga ayaana la horgeyndoona talaabooyin adag ayeyna la kulmi doonan dadka waxaas ka shaqeeya”

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sidoo kale galinkii dambe ee maanta ay qabteen waxyaaba kale oo maanta dooriya kuwaas oo dhibaato ku ah ammaanka magaalada muqdisho isgoo intaa ku daray in ay qaadayaan Olole ka dhan ah kuwa ka ganacsada iyo Dadka Isticmaala iyagoo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed.

12795329_1684604868444932_6364776025803421153_n12799106_1684604681778284_9065309046829428266_n12799434_1684604935111592_1061617300429931211_n12801250_1684604725111613_6286959607159429456_n12804607_1684604815111604_1676363951443867874_n12804756_1684604751778277_9177975375976068585_n12806146_1684604638444955_8083094201531664400_n1936544_1815391695355209_5487212812830101750_n12799090_1815391685355210_2630513330707170034_n12809656_1815391698688542_6292377303882479562_nIMG_0033