Uncategorized

Faah Faahin Dheeraad ah Qarax Gaari Oo Muqdisho Ka Dhacay+Sawirro

IMG_20160309_071817-640x360

Gaari Walxaha Qarxa laga Soo Buuxiyay Oo ku Qarxay Goob Maqaaxi ah oo ka soo Horjeedda Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ee Degmada C.casiis ayaa waxaa ku nafwaayay inta naloo Xaqiijiyay Sadex Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Boolika Soomaaliyeed kuwaasi oo fadhiyay Goob lagu Shaaho oo ka soo horjeedda Illinka hore Xerada Gaadiidka Booliska, Halka Dad kale oo shacab ahna dhaawacyo Kala Duwan Ay Soo Gaareen

Taliyaha Ciidanka Boliska Gobalka Banaadir Gen Cali Xirsi Barre oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA kula hadlay Goobta Qaraxu ku dhacay ayaa sheegay in bartilmaameedka Gaarigu uu ahaa Hoggaanka Gaadiidka Booliksa Soomaaliyeed oo Tababar ay ku qaadanayeen Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska.

“Waxa ay rabeen in ay gaariga ku dhuftan Albabka Hore Ee Xerarada lakiin intii uusan soo leexan ayuu gaariga qarxay, ninkii waday waa kaa gaariga dhinac yaalla hadda sadax sargaal ayaa ku dhimatay dad kale oo maqaayadda fadhiyayna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray”Sidaasi waxaa Yiri Gen Cali Xirsi Barre

Saraakiil ay Ciidan Gurmad ah ayaa goobta soo gaaray iyadoo Kooxda Miino Baarista Ciidanka Boolisku uu durbadiiba bilaaabay baaris la xiriirta in wali gaariga qarxay oo qeyb kamid ah haraagiisa laga cabsi qabay in ay qaraxdo.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa ayaa loola cararay Cisbitaalada Magaalada Muqdisho.

IMG_20160309_071725IMG_20160309_071738IMG_20160309_071741IMG_20160309_071803IMG_20160309_071810IMG_20160309_071817IMG_20160309_071827IMG_20160309_071834IMG_20160309_071838IMG_20160309_071846IMG_20160309_071955IMG_20160309_072049IMG_20160309_072058IMG_20160309_072100IMG_20160309_072109IMG_20160309_072121IMG_20160309_072144IMG_20160309_072222IMG_20160309_072226IMG_20160309_072258