Uncategorized

Dowladda Somalia oo ka Hadashay Weerarkii Awdheegle

BE98CE69-3F25-4DC6-96C0-913137F10F1E_w640_r1_s_cx0_cy3_cw0

Weerarkii saqdii dhexe ee habeenkii talaadada lagu qaaday degmada Awdhiigle ee lagu bar tilmaameedsaday saraakiisha Al-Shabaab ayaa waxaa soo baxaya inay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale dayuurado iyo tasiilaad kale ay ciidamada Mareykanka ku caawiyeen kuwa Soomaalida, oo weerarka kaligood fuliyey.

Sarkaal Mareykan ah ayaa VOA u xaqiijiyey in howlgalkan uu ahaa howl-gal lagu beegsanayey Al-Shabaab oo Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay iska kaashadeen.

abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Somaliyeed Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar ayaa sheegay in waayihii dambe ay ku jireen la dagaalanka argagaxisada weerarkii Owdheeglana uu qeyb ka ahaa weeraradaasi, waxaana uu tibaaxay in ka badan 12 dhagar qabe lagu dilay.