Uncategorized

Doodii Musharixiinta Xisbiga Jamhuuriga oo Goordhow soo Gabagabowdey

B774EF18-0BA0-4EF6-9962-47F7FBB5411D_w640_r1_s

 

Afarta Musharax ee ku soo harey tartanka madaxtinimada ayaa dood adag ku yeeshey magaalada Miami ee gobolka Florida, doodii ugu danbeysey ee ka hor codeynta oo aad muhiim ugu ah musharaxiinta.

Hadii senatorka laga soo doorto Florida Marco Rubio uu Trump kaga adkaato gurigiisa, waxa ay ceeb weyn ku noqon doontaa Rubio iyadoo soo gabgabeyn doonta ololihiisa doorashada.

Afti la sameeyey Khamiista ay doodu dhaceyso ee Xalay ayaa muujineysa in Florida uu ku horeeyo Donald Trump iyadoo uu soo raaco Rubio iyo mudanah alaga soo doorto Texas Ted Cruz.

Sidoo kale aftidan hordhaca ah ayaa muujisey in John Kasich looga horeeyo gobolkiisa Ohio.

Inta badan musharixiinta ayaa u muuqdey kuwo ka duwan doodii hore waxaana ay u muuqdeen kuwo fekrado isku dhow ka qaba arrimaha dhaqaalaha, ganacsiga, soo galootiga iyo waxbarashada.