Uncategorized

Dagaal Culus oo ka socda Degaano hoosta Magaalada Eyl ee Gobolka Nugaal

proxy-150x150

Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Puntland iyo Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa waxuu ka socdaa Degaano ka tirsan Puntland.

Dagaalkan ayaa sida la sheegay waxuu qarxay kadib markii Xoogaga Maamulka Puntland ay Weerar ku qadeen Degaanka Suuj oo ay ku sugan yihiin Dagaal yahano hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Degaanka Suuj oo qiyaas ahaan  30Km u jiro Magaalo Xeebeeda Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa lagu soo waramayaa in ay gacanta ku hayaan Xubno ka  mid ah Al Shabaab.

Weli lama oga khasaaraha dhabta ee ka dhashay Dagaalkan u dhaxeeya labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in ay maqan tahay Isgaarsiinta Degaanka Suuj.

Dhinaca kale, Kulan looga hadlayay amniga iyo arimaha Al Shabaab ayaa Wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland waxu uga soo gaba-gaboobay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Puntland, Maxamuud Xasan Soocadda ayaa guulo ka sheegtay Dagaalka ay la galeen Xarakada Al Shabaab, waxuuna tilmaamay in khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen.

Wasiir Soocadde oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in Xoogaga Puntland ay howlgalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab ay ku soo gaba gabeyn doonaan muddo 24 Saac gudahood.

Maalmo ka hor aye aheyd markii Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay galeen Degaano hoosta Maamulka Puntland.