Uncategorized

Beesha Maxamuud Hiraab oo sheegtay iney ku xadgudbeen Madaxda Wada-tashiga qaran

hirab_3

Shir ay isugu yimadeen Waxgaradka, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanda, Dhalinyarada iyo Haweenka Beesha Maxamuud Hiraaab Duduble ayaa lagu qabtay magaalada Muqdsiho, Ujeedada shirka ayaa lagu sheegay mid Beesshu ku muujinayso dareenkeeda Ummadeed ee xiliga fog, islamarkaana ay Beeshu ku gudbinayso farriin culus dhammaan dhinacyadii ku lugta lahaa Golaha wadatashiga ee madasha  Qaranka Soomaaaliyeed.

Si gaar ah Beeshu waxay uga cabanaysaa maamulka Gal-Mudug iyo Madaxwayne Cabdikaariin Xuseen Guuleed kadib markii lagu muujin waayey Magaca Beesha  Shaxdaa Beelahaa ee saami qaybsiga  Xildhibaanada  dhowaan lagu baahiyey baraha Warbaaahinta, taasoo sidaa laa sheegay xambaarsan  ujeedooyin siyaasadeed  oo guracan kuwaas oo kaa fog xaqiiqda dhanna ka aah danaha Beeshaa Maxamuud Hiraaab Duduble.

Waxaa Goobta  ugu horayn ka hadlay Ugaaska Beesha Maxamuud Hiraaab Duduble Ugaas Muxiyadiin Ugaas faaraax Ugaas Foodeey, waxa uu yiri.  “Xaqiiqdii waa nalaku xad gudbey, laakiin annagu ma doonayno in aan xad gudubno ee waxaan doonaynaa in aan helo xaqa  iyo saamiga aan ku leenaahay Beelaaha soomaaaliyeed ee dega Gobolada dhexe kuna Abtirsada maamulka Gal-Mudug”. Ugaaasku waxa uu intaas ku daray “waxaa la yaab leh in magacaa Beesha laga waayo meeshii  ummaaddaa Soomaaaliyeed ay wax ku qaybsatay maarkii ugu horaysey, weli ma dhicin sidaaa darteed waxaaan raali gelin ka doonaynaa intii qoraaalkaaas saxiixday gaar ahaan Madaxwayne Cabdikariin Xuseen Guuleed oo aan rumasanahay inuu isugu ka danbeeyo dhibaatada bah dilka ah ee Beesha loo gaystay”.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay Siyaaasiga Ex. Xildhibaan Cabdulle Faarax Xersi (Cawooleey) waxa uuna yiri. “ ma nihin dad ka soo horjeeda Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaan ka soo horjeednaa wixii ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee Baydhabo maadaama aan lagu xusin magaca Beesha Maxamuud Hiraab oo aan ka soo jeedno”. Mr Cawooleey waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. “tan iyo burburkii Soomaaliya waxaa wax lagu qaybsanayey nidaaam Beeleed ma dhicin in hal maalinna laga tago Magaca Beesha Maxamuud Hiraaab lakiin nasiib darro hadeer ayey dhacday waxaan ku eededaynaa sabataas Madaxwayne cabdikariin Xuseen Geeleed”

Ex. Xildhibaan Cabdulle Faarax Xersi (Cawooleey) waxa kale oo hoosta ka xariiqay in lagu xadgudbey Dastuurkii Dalka u yiiley, Shareecada Islaamka  iyo Xeerarka dhaqanka Soomaaliyeed maadaama Beesha Maxamuud Hiraab ee Duduble la dul saaray Beesha Habar Gidir. Waxa uu yiri. “Beesha Habar Gidir waxaa naga dhexeeya Dhaqan soo jireen ah, wada dhalasho aan marnaba go’i Karin  iyo wada noolaasho daaa’im ah, laaakiin waa in la ogaado in aynaan ahayn oo aynaan ka tirsanayn Beesha Habar Gidir”

Gebagebadii waxaa kulanka ka hadlay Nabdoon Cali Xaashi Dhuxuloow, Nabadoon Ciise  Shiikh Cusmaan, Siyaaasiga cabdulaaahi Axmed Samatar, Cabdulqaadir Raage Cismaan oo ku hadlayey magaca dhalinyarada Beesha  iyo Maxamed Cabdulle Farayare oo ku hadlayey magaca Aqoonyahanada Beesha Maxamuud Hiraab waxayna dhamaantood baaq u direen  Saxiixayaashii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo lagu soo gebagebeeyey gaar ahaan Madaxwaynaha Gal-Mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed inuu raali gelin ka bixiyo wixii dhacay dibna u saxo qaladaadka iyo gefka uu Beesha u gaystey.

hiraabhiraab1hiraab2hiraab3hiraab5hiraab6hiraab7